boramanews.com

Shiinaha Oo si Adag Uga Hadlay Tallaabada Israa’iil Ku Aqoonsatay Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay ka soo horjeeddo isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dhullka Soomaaliya, sida ay baahisay wasaaradda arrimaha dibadda maanta oo Isniin ah. Shiinaha ayaa xaqiijiyay in ay taageersanyihiin madax-bannaanida, midnimada iyo ilaalinta dhuleed ee dalka Bariga Afrika.

“Ma aha in dal uu ku dhiirrigeliyo ama ku taageero, danihiisa awgood, xoogagga gooni-u-goosadka ee gudaha dalal kale,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda, Lin Jian, oo la hadlayay wariyeyaasha shir, isaga oo ugu baaqay mas’uuliyiinta Somaliland inay joojiyaan “hawlaha gooni-u-goosadka iyo isbahaysiga ay la leeyihiin xoogag dibadeed.”

Related posts

Abiy Axmed: “Waxaan dhisnay ciidan la dagaallama argagixisada Soomaaliya”

Cabdi Casiis

Foolkaano sababtay in 150,000 oo rakaab ah ay ku xayirmaan dalka Indonesia.

Cabdi Casiis

Madaxa garsoorka Iran oo wacad ku maray ‘Ciqaab degdeg ah oo adag’ oo ka dhan ah mudaaradayaasha

Cabdi Casiis