Borama News Network

Soomaali Iyo Itoobiyaan laga soo badbaadiyay kooxaha loo yaqaan Magafayaasha Liibiya.

Waxaa lagu guulaystay in lasoo badbaadiyo in ka badan 200 oo ruux oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan kuwaas oo u qafaalnaa Kooxaha lacagaha badan ka sameeyay madax-furashada tahriibayaasha ee loo yaqaan Magafayaasha Liibiya ku sugan.

Dadkaan ayaa u badan dhallinyaro kuwaas oo ku doodaya in sababta ay u marayaan halistaas wayn ay tahay in ay raadinayaan nolol uga wanaagsan tan dalalkooda ayaa lagu xirtay Dalka Liibiya si ehelkooda madax-furasho looga qaato.

Mas’uuliyiin katirsan Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ayaa sheegay in xabsiyada Dalkaas laga sii daayay dad badan oo oo Soomaali & Itoobiya isugu jiray kuwaas oo haatan la qorshaynayo tallaabadii loo qaadi lahaa dib ugu celinta Dalkooda.

Xabsiyo badan oo ku yaalla waxaa ku xiran tahriibayaal Soomaali ay qayb ka tahay kuwaas oo qaarkood ay ehelkooda awoodi waayeen bixinta lacagaha madax-furashada ah ee Kooxahaas ay ka rabaan si ay usii daayaan.

Howlgal caalami ah oo looga hortagayo tahriibayaasha naftooda halista wayn gelinaya ayaa ka socda Dalka Liibiya ee dhaca Waqooyiga Qaaradda Afrika si loo xadido ama guud ahaan looga hortago tahriibinta Dadkaas lacagaha sida qasabka ah looga qaato.

Related posts

“Jeelka Wax Kale Ayaan Ka Aaminsanaa Balse Waan Soo Bartay” Ugbaad Aragsan Oo Ka Hadashay Xadhigeedii

Abdiaziz Bnnstaff

“Safiirka Itoobiya Iyo Safaaradooda Waa In La Eryaa Dadkuna Waa In Ay Isku Soo Baxaan” Xildhibaan Saadiq

Abdiaziz Bnnstaff

Kulankii Maanta Ee Golaha Shacabka Somaliya Oo Buuq Iyo Sawaxan Hadheeyay

Abdiaziz Bnnstaff