boramanews.com

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay arrimaha socdaalka

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ), Mustafa Duhulow, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray daba-galka qodobadii hore looga wada hadlay iyo qiimeynta horumarka laga gaaray iskaashiga labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah xoogga loo saaray arrimaha la xiriira dal-ku-galka (visa), baasaboorrada, iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo kuwa Turkiga.

Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta wada shaqeynta, iyagoo tilmaamay in horumarka socda uu qeyb ka yahay dadaallada lagu hormarinayo xiriirka saaxiibtinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Labada dal ayaa leh xiriir saaxiibtinimo oo soo jireen ah, iyagoo iska kaashada dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Related posts

Safiirka Iiraan u fadhiya Geneva, oo war cusub soo saaray

Cabdi Casiis

Heshiiska u dhaxeeya Iiraan iyo Ruushka Muxuu Yahay Heshiiskaasi

Cabdi Casiis

Mareykanka oo Pakistaan ku casuumay wadahadallada Iiraan uu la yeelan doono

Cabdi Casiis