boramanews.com

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka shiray aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa shalay oo Sabti ahayd kulan ku yeeshay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga, kaas oo ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya.

Ururka ayaa si gaar ah diiradda u saaray arrinta haatan taagan ee ah aqoonsiga ay dhowaan Israa’iil aqoonsatay Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, iyagoo sheegay inay taasi tahay “xadgudub”.

Xoghayaha Guud ee OIC Xuseen Ibraahim Daaha ayaa sheegay “in aqoonsiga qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay samaysay Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga gobolka, isagoo xaqiijiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga gudbi Karin.”

Dhanka kale, OIC ayaa sidoo kale isla soo qaaday arrimaha Falastiin iyo xaaladda Qasa, iyagoo isla gartay in lasii guda galo wejiga labaad ee xabbda joojinta.

Related posts

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Donald Trump Oo Hanjabaad Cusub U Diray Iran

Cabdi Casiis

Maraykana oo ugu baaqay Shiinaha in uu joojiyo dhoollatuska millateri ee uu ku cadaadinayo Taiwan

Cabdi Casiis

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay “waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga.” Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri “Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa’iideysan karo shidaalka.” Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda. Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood: 1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay. 2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah. Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir. Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency. Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

Cabdi Casiis