Borama News Network

Wada-Hadalladii Dowladda Federaalka Iyo Somaliland Oo Dib u Billaabmaya

Wada-hadalladii u dhaxeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa lagu wadaa inay dib u billowdaan, sida ay xaqiijiyeen labada dhinac.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Somaliland ayaa labada maanta gaaray magaalada Jabuuti, sida lagu sheegay qoraallo kasoo baxay warbaahinta dowladda federaalka iyo madaxtooyada Somaliland.

“Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland oo lasoo dhigay Facebook.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa wafdiga uu horkacayo ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee Jibriil Cabdirashiid iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wada-hadallada dowladda federaalka iyo Somaliland.

Dhanka Muuse Biixi ayaa waxaa isna safarka ku wehliya wasiirrada horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo dowladda federaalka Marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Related posts

Madaxwane xasan Sheekh Oo Hambalyo U Diray Haweenka Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff

Denmark Oo Ansixisay Xeer Ogolaanaya In Qaxootiga Lagala Noqdo Sharciga

Abdiaziz Bnnstaff

“Kuwa Xamar Ku Nooli Waxay Leeyihiin Anakaa Idiin Talina, Idinku Ma Tashan …” Xukuumada Somaliland Oo Caawa U Mudaharaadaysa Heshiiska Badda

Abdiaziz Bnnstaff