Borama News Network

Xamaas Oo Weerar Ku Laysay Askar Isrealiyiin Ah Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Weerarkaasi

Israa’iil ayaa xirtay marinka Kerem Shalom ee Qasa ka dib markii Xamaas ay gantaallo ka soo gantay aaggaas, kuwaas oo ay ku dhinteen askar Israa’iiliyiin ah.

Tirada askarta ayaa lagu sheegay ilaa saddex askari, iyadoo tiro kalena ku dhawaacantay weerarka.

Marinka ay Israa’iil xirtay ayaa ka mid ah waddooyinka yar ee la marsiiyo gargaarka bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan cunno iyo sahayda caafimaadka, ee dadka Qasa loogu tala galay.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay u muuqdaan in wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dalalka Masar iyo Qatar ay fashilmeen.

Labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas ayaana midba-midka kale ku eedeynayaa sababaha keenay in ay guuldaraystaan, wadahadalladan oo ujeedku ahaa in lagu gaaro xabad-joojin iyo siideynta maxaabiista labada dhinac.

Related posts

“Madaxwayne nala meeraysan mayside dalka doorasho ka qabo “ Reer Burco Oo Fariimo Culus U Diray Madaxwayne Muuse Biixi

Abdiaziz Bnnstaff

Dagaalyahanada Dalka Yeman Oo Weerarkii Ugu Cuslaa Ku Qaaday Markiibta Maraykanka Ee Ku Sugan Badda Cas

Abdiaziz Bnnstaff

Xirsibaa La Xidhay Qolada Meelahaas Ka Tidhaahda Waxaan Leeyahay..” Gudoomiye Xirsi Oo Afka Furtay

Abdiaziz Bnnstaff