Maamulka maxalliga ah ee gobolka Balochistan ee Pakistan ayaa sheegay, in sagaal askari oo booliis ah la dilay, halka dhowr kalena la la’yahay, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhig booliis oo ku yaalla degmada Ziarat ee gobolkaas.
Qaar ka mid ah dadkii la dilay waxay ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsanaa booliiska.
Sida uu sheegay Cabdi Quddus Achakzai, oo ah Ku-xigeenka guddoomiyaha degmada Ziarat, saldhigga booliiska ee la beegsaday wuxuu mas’uul ka ahaa ilaalinta Biyo-xireenka Mashruuca Mangi.
Si kastaba ha ahaatee, raysal wasaaraha Pakistan, Shahbaz Sharif, ayaa ku tilmaamay weeraryahannada inay xiriir la leeyihiin waxa uu ugu yeeray “fitnada Khawaarijta.”
Tan iyo Agoosto 2024, dowladda Pakistan ayaa faraysay dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda inay adeegsadaan erayga “fitnada Khawaarijta” marka ay tixraacayaan dhaqdhaqaaqa Taliban-ka Pakistan.
Pakistan waxay u aqoonsan tahay kooxdan inay tahay urur argagixiso, waxayna mamnuucday dhammaan hawlaheeda.
Afhayeen u hadlay dowladda gobolka Balochistan ayaa sidoo kale sheegay in “Islaamiyiin xagjir ah” ay ku lug lahaayeen weerarka.
Gobolka Balochistan ee Pakistan ayaa muddo sanado ah la daalaa dhacayay kacdoon ay wadaan kooxo hubeysan, kuwaas oo marar badan weerarro ku qaaday ciidamada ammaanka, mashaariicda kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo maalgelinta shisheeye.
