Turkiga ayaa isku diyaarinaya inuu isticmaalo xarunta cusub ee milatari ee “Ay Yıldız” ee ku taalla Ankara inta lagu guda jiro shir-madaxeedka Ururka Waqooyiga Atlaantik (NATO), kaas oo ay martigelinayso 7-da iyo 8-da Luulyo. Xaruntan ayaa la filayaa inay martigeliso xaflad soo dhoweyn ah oo loogu talagalay wasiirrada gaashaandhigga iyo saraakiisha milatari ee dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga.
Xaruntan, oo warbaahinta qaar ee Turkigu ugu yeeraan “Pentagon-ka Turkiga”, waxay magaceeda ka soo qaadatay astaanta bisha iyo xiddigta ee ku jirta calanka Turkiga.
Ankara waxay sheegaysaa in mashruucan ujeeddadiisu tahay in hal goob lagu mideeyo Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Guud ee Ciidamada iyo hoggaannada ciidamada dhulka, badda iyo cirka, kuwaas oo markii hore ku kala yaallay dhismayaal kala duwan oo ku yaalla caasimadda.
Ereyga “Pentagon-ka Turkiga” ee ay warbaahintu isticmaasho waxaa loola jeedaa isku-dubbaridka taliska iyo ururinta hay’adaha milatariga ee waaweyn hal xarun, mana aha magaca rasmiga ah ee dhismahan.
Ma sii jiri karaan awoodaha milatari ee NATO haddii aanu Maraykanku xubin ka ahayn?
Hal xarun oo loogu talagalay hoggaanka difaaca iyo ciidamada
Xarunta “Ay Yıldız” waxay ku taallaa deegaanka Etimesgut ee Ankara, iyadoo warbixinno ka soo baxay Turkiga ay ku qiyaasayaan baaxaddeeda ku dhowaad 12.6 milyan oo mitir laba jibbaaran. Dhagax-dhigga mashruuca ayaa la sameeyay 30-ka Agoosto 2021, iyadoo uu ka soo qayb galay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga, mashruucan waxaa loo qorsheeyay inuu noqdo xarun wadajir ah oo ay ku wada shaqeeyaan Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliska Guud ee Ciidamada iyo hoggaannada ciidamada dhulka, badda iyo cirka. Ankara waxay sheegtay in tallaabadani ay ujeedadeedu tahay in la isku keeno xarumaha hoggaaminta difaaca iyo ciidamada hal dhisme.
