boramanews.com

Araqchi: Ilaa iyo inta hanjabaaduhu sii socdaan, wadaxaajoodyada kama dambaysta ah ma bilaaban doonaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqchi, ayaa sheegay in “inta ay sii jiraan hanjabaadaha loo jeedinayo Iiraan, aysan bilaaban doonin wada-hadallada lagu gaarayo heshiis kama dambays ah.”

“Qodobka 13-aad ee Heshiiska Is-afgaradka (MOU) waa mid si buuxda u cad oo aan mugdi ku jirin: Inta ay sii socdaan hanjabaadaha ka dhanka ah Iiraan, ma bilaaban doonaan wada-hadallada lagu gaarayo heshiis kama dambays ah. Ixtiraama saxiixiina,” ayuu qoraal ku yiri Talaadada maanta ah.

Saacado ka hor, Donald Trump, hadalladiisii ugu dambeeyay, ayuu mar kale hanjabaad ugu jeediyay Iiraan, isagoo sheegay in haddii heshiis lala gaari waayo Iiraan, uu “dhamaystiri doono hawsha.”

Hadda, hadalladiisii ugu dambeeyay, Cabbaas Caraqchi, isaga oo ka hadlayay aaska Ayatollah Khamenei, ayaa sheegay in “malaayiin Iiraaniyiin ah oo sharaf leh ay isugu yimaadeen midnimo iyo isku duubni” si ay “xushmad ugu muujiyaan” hoggaamiyihii hore ee Iiraan.

Wuxuu intaas ku daray in “iyaga iyo sidoo kale ciidamadeenna geesiyaasha ah ee qalabka sida aysan ka baqayn wax hanjabaad ah.”

Dhanka kale, kadib munaasabaddii rasmiga ahayd ee aaska hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee ka dhacday Tehran, naxashka meydkiisa iyo dhowr xubnood oo qoyskiisa ka mid ah ayaa loo wareejiyey magaalada Qom, waxaa si rasmi ah uga bilowday magaaladaas oo ku taalla bartamaha dalka, munaasabadda aaska Cali Khamenei.

Sida la soo wariyey, Aayatullah Jawaadi Aamoli, ayaa hoggaamiyey salaadda janaasada ee lagu tukaday Masaajidka Jamkaran ee magaalada Qom, kaddibna waxaa bilaabatay munaasabadda aaska iyadoo ay ka qaybgalayeen kumannaan taageerayaal ah oo uu lahaa hoggaamiyihii hore ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Related posts

Dalalka Muslimka ee laga soomay maanta iyo kuwa berri soomi doona

Cabdi Casiis

Duulimaadyadii Ethiopian Airlines ay ku tagi jirtay gobolka Tegrey oo la baajiyay iyo faah-faahin ka soo baxaysa

Cabdi Casiis

Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo Si Adag U Beenisay In Dadka Reer Falastiin Loo Soo Rarayo Deegaanada Somaliland

Cabdi Casiis