boramanews.com

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda UK

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Boqortooyada Midowday, Charlotte Pierre,

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga Soomaaliya, qorshaha ay ciidanka dalka ay kula wareegayaan mas’uuliyadda amniga dalka.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay diyaar-garowga Soomaaliya ee saameynta ka dhalan karta xaaladaha cimilo ee El Niño.

War qoraal ah oo Madaxtooyada Soomaaliya ku baahisay barta X ayaa lagu sheegay in kulanka uu qeyb ka ahaa dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo UK.

Related posts

Madaxwayne Trump Oo Sii Kordhiyay Xayiraada Dalal Aan Dadkoodu Soo gali Karin Maraykanka

mustafeamiin@gmail.com

Isreal Oo War Ka Soo Saartay Dagaal Ka Dhanka Ah Iran

Cabdi Casiis

Shacabka Reer Galkacyo Oo Si Adag Uga Hadlay Caydhinta Imaradka Iyo Go’aankii Puntland Ay Ka Qaadatay

Cabdi Casiis