boramanews.com

Shiinaha oo cudud milateri ku soo bandhigay agagaarka Taiwan isagoo digniin u diraya ‘ciidamada gooni u goosadka’

Shiinaha ayaa dhoolatus milateri ku sameynaya agagaarka Taiwan isagoo u ekaysiinaya qabsashada iyo go’doominta goobaha muhiimka ah ee jasiiradda, taasoo digniin u ah “xoogaga gooni-goosadka ah”.

Ciidamada badda, cirka iyo gantaalaha ayaa loo diray dhoolatuskan oo isugu jira dhoolatus toos ah,sida uu sheegay militariga Shiinaha.

Dabridkan oo loogu magac darayHowlgalka Cadaaladda ” (Justice Mission 2025), dhoolatuska ayaa dhacaya maalmo kadib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay in uu Taiwan ka iibinayo mid ka mid ah xidhmooyinkiisa hub ee ugu waaweyn oo ku kacaya $11bn (£8.2bn). Talaabadan ayaa keentay diidmo xoogan oo ka timid Beijing oo iyaduna cunaqabatayn saartay shirkadaha difaaca ee Maraykanka.

Dadaallada Taiwan ee ah in ay sare u qaaddo difaaceeda sanadkan waxa ay sidoo kale ka caraysiisay xukuumadda Beijing oo iyaduna ku andacoonaysa in jasiiradda iskeed isu maamusho ay tahay dhulkeeda.

Xafiiska madaxtooyada Taiwan ayaa dhaleeceeyay dhoolatuska Shiinaha ee soo socda, wuxuuna ku tilmaamay mid caqabad ku ah xeerarka caalamiga ah.

Wasaaradda difaaca ee Taiwan ayaa sheegtay in subaxnimadii isniinta ay ka war heleen diyaarado iyo maraakiib laga leeyahay dalka Shiinaha oo ku hareeraysan Taiwan, waxaana ay diyaariyeen ciidamadooda iyo habka gantaalada si ay ula socdaan xaalada. Ciidamadeeda ayaa la galiyeyfeejignaan saresidii ay u difaaci lahaayeen Taiwan ayna “u ilaalin lahaayeen dadkeennaayay tiri wasaaraddu.

Qoraal uu soo dhigay Weibo, Taliyaha qaybta Bari ee Milliteriga Shiinaha oo mas’uul ka ah marin biyoodka Taiwan – ayaa ku tilmaamay dhoolatuska milateri inuu yahayGaashaanka caddaaladda“.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Beijing ayaa dhoolatuskan ku tilmaantayciqaab adag oo ka dhan ah xoogaga gooni-u-goosadka waxayna uga digtayxoogaga dibadda” “in Taiwan loo isticmaalo in lagu xakameeyo Shiinaha“.

Related posts

Soomaaliya Ayaa La Wareegtay Hoggaanka Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay

Cabdi Casiis

Itoobiya ayaa bilowday in ay midayso dadkeeda si ay uga hortagto Masar iyo Erateeriya

Cabdi Casiis

Iran oo shaacisay meelaha ay bartilmaameedsan doonto haddii Mareykanku soo weeraro

Cabdi Casiis