Borama News Network

Wax badan ka ogow diyaaradda dagaal ee casriga ah ee Akinci oo dhawaan Soomaaliya heshay, maantana la sheegay inay ‘hawlkeeda bilaabeyso’?

Diyaaradan Akinci waa oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar.

Akinci waxaa loogu talagalay inay fuliso hawlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaameedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo hawlgallada ciidamada.

Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa rasaas, gantaalo iyo bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaa24 saacadood.

Akıncı waa mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee isticmaala tignoolajiyada sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh “awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah.

Diyaaradda Akinci waa diyaarad adkeysi badan, waxay leedahay nidaamyo ilaalin heersare ah, iyo awooda lagu sameeyo weerarro sax ah oo meelaha fog wax ka dila.

Waxay qaadi kartaa ugu badnaan 1,500 kiiloogaraam, taas oo u oggolaanaysa in ay qaado hub kala duwan, oo ay ku jiraan gantaallada SOM cruise missiles, gantaallada lidka diyaardaha ee Gökdoğan, bambooyinka la hago ee Bozok, iyo bambooyinka MK-82.

Bayraktar Akinci ayaa ku duuli karta joog dhan 30,000 fiit, waxayna hawada ku jiri kartaa 13 saacadood iyo 24 daqiiqo sida ay sheektay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu. Halkan ka sii akhriso warbixinta oo faah-faahsan

Related posts

Dowlada Somaliya Oo Mar Kale Shuruud Adag Ku Xidhay Wadahadal Ay La Gasho Dowlada Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff

“Taariikhda Doorasha Muuse ayaa leh, dagaalkii ciidanku ku jabayna Muusaa leh” Xildhibaan Barkhad Batuun.

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg:- Maxamed Bk Oo Shaaciyay War Cusub Iyo Barnaamij Uu Sheegay In Uu Hargaysa Ku Qabanayo

Abdiaziz Bnnstaff