Dowladda Shiinaha Oo Mamnuucday Mid Ka Mid Ah Warbaahinta Ugu Weyn Caalamka

Dowladda Shiinaha ayaa mamnuucday BBC qeybta dibadaha la hadasho inay ka howlgasho dalkaaasi, waxaa sidaasi shaacisya hay’adda u qaabilsan dhanka telefishinada iyo Idaacadaha.

Xukuumadda Shiinaha ayaa cambaareysay BBC qaabkii ay u tabisay wararka la xiriira feyriska Corona iyo dhibaatada lagu hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighurs.

Madaxda BBC ayaa dhankooda sheegay in go’aankaasi uu yahay mid”laga xumaado”.

Arrintan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii waaxda dowladda Britain u qaabilsan xadeynta warbaahinta ee loo soo gaabiyo Ofcom ay shatigii ay uga howlgalayeen UK kala noqodtay Telefishinka Shiinaha ee (CGTN).

Go’aanka dowladda Shiinaha ay dalkeeda kaga mamnuucday BBC, waxaa hay’adda maamusha Idaacadaha iyo Teleshinada ee Shiinaha ay sheegtay in BBC lagu helay “ku tumasho shuruucda warbaahinta” taasi oo ay ka mid tahay “in warku noqdo mid run ah oo xaq ku dhisan, balse uusan noqon mid dhaawacaya danaha Shiinaha”.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dadka Laga Helayo Cudurka Kansarka Oo Kusoo Badanaya Muqdisho Iyo Waxyaabaha Soo Kordhay

Bnnstaff Bnnstaff

” Waxaan u Soo Joogay In Aan Daawado Riwaayadeedii Ugu Horeysay ” Madaxwayne Ku Xigeenka Somalilan Oo Ka Hadlay Aaska Khadra Daahir Cige

Bnnstaff Bnnstaff

Dowladda Japan oo heegan gelisay Ciidamadeeda Iyo Sababta Heeganka Loo Galiyay Ciidanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More