Warrarka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeyn xagga cirka ah xalay iyo saakay lagu qaaday goobo ay ka fadhiyeen ururka al-Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe.
Duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Jabad Godane oo qiyaastii dhawr iyo sodon kiilomitir waqooyi bari uga beegan degmada Warsheekh.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay ku dhawaad sodon dagaallame oo ka tirsan Al-shabab.
“Howlgalladan ayaa lagu dilay 29 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabab, waxaana sidoo kale lagu burburiyay gaadiid iyo hub ay qorsheynayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka”.
Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay saaxiibada sida joogtada uga taageera dhanka ammaanka, xog-wadaagga, iyo awood-siinta howlgalada ay ciidankooda qaadaan.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in ay sii wadayaan weerarada ka dhanka ah kooxaha ka horjeeda.
