boramanews.com

Turkiga oo sheegay in ay soo rideen gantaal balastig ah oo laga soo ganay Iiraan

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Turkiga ayaa sheegtay in gantaal ballistic ah oo laga soo riday Iiraan kuna wajahnaa Turkiga la soo riday.

Wasaaraddu waxay shaacisay in gantaalka ballistic-ga ah ee laga soo ganay Iiraan uu ka gudbay hawada Ciraaq iyo Suuriya ka hor inta aanu u jihaysan hawada Turkiga, halkaas oo ay ku soo rideen cutubyada difaaca hawada iyo gantaallada ee NATO ee ku sugan Bariga Badda Mediterranean-ka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in qayb ka mid ah difaaca hawada ee lagu burburiyay gantaalka ka yimid Iiraan ay ku dhacday degmada Dörtyol ee gobolka Hatay, balse aysan jirin wax khasaare naf ama dhaawac ah oo ka dhashay dhacdada

Related posts

Waa Kuma Eedeysanaha, Maxaase Lagu Soo Oogay?

Cabdi Casiis

“Maanta waxaynu nahay dal la aqoonsan yahay waxaana soo kordhaya…”Madaxweyne Cirro

Cabdi Casiis

Xildhibaan Shaadh oo Jawaab Kulul siiyey Faarax Macalin, Xasan Sheekh iyo Xamse Cabdi-barre

Cabdi Casiis