boramanews.com

Kuweyt ayaa ku dhawaaqday khasaare gaadhay ciidankeeda

Ciidanka Kuweyt ayaa Isniintii ku dhawaaqay geerida laba ka mid ah ciidankooda badda, iyagoo gudanayay waajibaadkooda, balse ma aysan shaacin duruufaha ay ku geeriyoodeen.

Ciidanka ayaa bayaan ay baahisay Wakaaladda Wararka Kuweyt ku sheegay in Taliska Guud ee Ciidanku uu tacsi u dirayo Sarreeye Walid Majeed Suleiman, oo ka tirsanaa ciidanka badda.

Ciidanka ayaa markii dambe soo saaray bayaan kale oo ay ku tacsiyeynayaan “Sarreeye Abdul Aziz Abdul Mohsen Dakhel Nasser”.

Labada bayaanba waxay muujinayeen in labada askari ay ku geeriyoodeen “iyagoo gudanaya waajibaadkooda qaran ee ku jira hawlaha loo igmaday ciidamada qalabka sida.”

Related posts

Muxuu yahay sirdoonka Dhaawacay Awooda imaaraadka Carabta.?

Cabdi Casiis

Safiirka Iiraan u fadhiya Geneva, oo war cusub soo saaray

Cabdi Casiis

Dowlada Somaliya Oo Mar Kale Si Adag Uga Soo Horjeesatay Dalkeed qasab Lagu Keeno Dad Kale

Cabdi Casiis