boramanews.com

Qarax laga maqlay meel u dhow hoteel uu Macron ka degenaa Dimishiq

Wakaaladda wararka AFP ayaa sheegtay, in qarax laga maqlay caasimadda Suuriya ee Dimishiq, xilli Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu booqasho ku joogay magaalada.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goobta uu qaraxu ka dhacay ama sababta keentay weli lama shaacin.

Emmanuel Macron ayaa Isniintii tegay Dimishiq.

Tani waa booqashadii ugu horreysay ee uu hoggaamiye dowladeed oo ka socda waddan ku yaalla Galbeedka Yurub ku tago Suuriya tan iyo markii ay talada dalka la wareegtay dowladda cusub.

Madaxweynaha Suuriya, Ahmed al-Sharaa, ayaa bilaabay dadaal diblomaasiyadeed oo ballaaran oo uu kula xiriirayo dalal kala duwan, isla markaana dib loogu dhisayo Suuriya.

Waqtigan xaadirka ah, xaqiijinta amniga ayaa loo arkaa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla dowladda Ahmed Sharia ee Suuriya.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Suuriya, SANA, ayaa safarkan ku tilmaantay “tallaabo muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka dib loogu soo celinayo maqaamka caalamiga ah ee Suuriya.”

Warbaahinta Faransiiska ayaa qoraya in walxaha qarxa ay Talaadada ku qarxeen meel u dhow hoteel uu Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron la rabay inuu deggenaado, sida ay ilo amni ka soo xigteen.

Related posts

Duulimaadyadii Ethiopian Airlines ay ku tagi jirtay gobolka Tegrey oo la baajiyay iyo faah-faahin ka soo baxaysa

Cabdi Casiis

Wadan ku yaala Afrikada Bari oo ku soo labo kacleeyay xannuunka Covid-19

Cabdi Casiis

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta JSL oo ka hadlay Waxqabadkii Wasaaradda ee Sannadkii 2025.

Cabdi Casiis