boramanews.com

Sir qarsaneed 49 milyan oo sano: god badalay fikirkii aan ka haysanay nolosha

Markii cilmibaaraha noolayaasha godadka Hazel Barton ay ku dhiiratay gunta hoose ee mugdiga, waxa ugu dambeeya ee ay filaysay inay hesho waxay ahaayeen noole ka faa’iidaysta tamarta iftiinka. Fahamkan cusub ee photosynthesis-ka ee mugdiga, ayay ogaatay, in ay la macno tahay in nolosha meelo kale oo Caalamka ah ka jiri karta aynaan waligeen suuraysan.

“Darbigu waxa uu ahaa cagaar dhalaalaya . Waxa uu ahaa cagaarka ugu dhalaal badan ee aad waligaa arki lahayd, haddana microbes-ku waxa ay ku noolaayeen gudcur dhammaystiran,” ayay tiri Barton, oo ah barafisoor cilmiga jiyoolajiga ka dhigta Jaamacadda Alabama.

Gunta hoose ee dhagaxa ah ee buuraha qotada dheer ee lamadegaanka Chihuahuan ee koonfurta New Mexico, waxaa ku yaal shabakad ka kooban 119 god. Godadka ayaa ah qayb ka mid ah Carlsbad Caverns National Park, waxaa la sameeyay afar ilaa 11 milyan oo sano ka hor sababtoo ah maadada sulfuric acid ayaa mileysay dhagaxyo xarar ah oo ku yaalay gudaha godka.

Meesha u soo jiidasho badan beerta waa godka dadka la tuso ee, Carlsbad Cavern. Halkan, macdan dhalaalaya ayaa ku dheggan saqafka sare ee godka weyn, ee ku yaalla dhulka hoostiisa oo dhererkiisu yahay 4,000ft (1,220m) dherer ah iyo 625ft (191m) ballac ah.

Related posts

“Maanta waxaynu nahay dal la aqoonsan yahay waxaana soo kordhaya…”Madaxweyne Cirro

Cabdi Casiis

Todobo Xaaladood Oo Dhici Kara Haddii Maraykanku Weeraro Iiraan

Cabdi Casiis

Dowladda Soomaaliya oo raashiin dib ugu celisay WFP

Cabdi Casiis