boramanews.com

Maraykanka oo sheegay inay duqayn ku dileen nin lala xiriirinayo inuu weeraray askartooda

Ciidamada Mareykanka ayaa fuliyay weerar lagu dilay hoggaamiye ka tirsan al-Qaacidda oo ‘xiriir toos ah’ la lahaa xubin ka tirsan kooxda Daacish (IS) oo mas’uul ka ahaa weerar gaadmo ah oo lagu dilay saddex Mareykan ah gudaha Suuriya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, ayaa bayaan ku sheegay in Bilal Hasan al-Jasim lagu dilay weerarka Jimcihii ka dhacay waqooyi-galbeed Suuriya.

Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay in uu ‘si toos ah ugu xirnaa’ ninka hubeysnaa ee ka tirsanaa Daacish kaas oo dilay isla markaana dhaawacay askar Mareykan ah iyo shaqaale Suuriyaan ah.

BBC-da si madax-bannaan uma aysan xaqiijin sheegashooyinka Mareykanka.

“Dilka hawl-wadeen argagixiso ah oo lala xiriiriyay dilka saddex Mareykan ah wuxuu muujinayaa go’aankeenna adag ee ah in aan daba galno argagixisada weerarta ciidamadeenna,” ayuu yiri taliyaha Centcom, Admiral Brad Cooper.

Related posts

Shacabka Reer Galkacyo Oo Si Adag Uga Hadlay Caydhinta Imaradka Iyo Go’aankii Puntland Ay Ka Qaadatay

Cabdi Casiis

Waa Sidee Xaaladda Caafimaad Ee Rai’sul Wasaarihii Hore Ee Pakistan Imran Khan Oo Xabsiga Ku Jira?

Cabdi Casiis

“Fiqi iyo Xasan Sheekh mooyee dadka kale ee Muqdisho ku nool waa dad dowladnimo rabo, Fiqi waxa uu ka xishoon waayay Sheekh Shariif oo heer Taliye Nabadsugid gaarsiiyay”Siyaasi Bood Cabdullaahi Magan

Cabdi Casiis