boramanews.com

Trump oo u hanjabay dalal ay xulufo dhow yihiin markii ay ka horyimaadeen qorshe uu watay

Hanjabaadiisa ayuu madaxweyne Donald Trump ku sheegay inuu canshuuro cusub kusoo rogi doono siddeed dal oo ay xulufo yihiin kuwaas oo ka horyimi qorshihiisa uu ku doonayo la wareegidda Greenland, taas oo dhalisay cambaareyn ugu timid hoggaamiyaasha dalalkaas.

Ra’iisul wasaaraha UK Keir Starmer ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay “gebi ahaanba khalad”, halka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Hadalladan ayaa yimid kaddib markii Trump uu ku dhawaaqay in canshuur dhan 10% lagu soo rogi doono badeecadaha uga yimaada Denmark, Norway, Sweden, France, Germany, UK, Netherlands iyo Finland, taas oo dhaqan geli doonta 1-da Febraayo balse mustaqbalka gaari karta 25% — isla markaana sii jiri doonta ilaa heshiis laga gaarayo.

Trump wuxuu ku adkeysanayaa in dhulka is-maamulka ah ee hoos yimaada Denmark uu muhiim u yahay ammaanka Mareykanka, mana uusan meesha ka saarin suurtagalnimada in xoog lagu qabsado.

Dhanka kale, kumannaan qof ayaa Sabtidii isugu soo baxay waddooyinka Greenland iyo Denmark, iyaga oo ka cabanaya qorshaha Mareykanka ee la soo jeediyay ee la wareegidda Greenland.

Related posts

” Xasan Sheekh iyo Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa qaadaya Masuuliyada dagaalka Baydhabo” Saadiq

Cabdi Casiis

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Oo Sheegay Hadal Culeska Ku Kordhi Kara Iiraan

Cabdi Casiis

Toogashada maanta waxay ka dhacday isla goobtii 1981 ay halis ku gashay nolosha Reagan

Cabdi Casiis