boramanews.com

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay “waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga.” Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri “Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa’iideysan karo shidaalka.” Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda. Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood: 1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay. 2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah. Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir. Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency. Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose.

Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay “waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga.”

Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri “Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa’iideysan karo shidaalka.”

Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda.

Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood:

1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay.

2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah.

Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir.

Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency.

Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

Related posts

Maryan Qaasin oo ku guuleysatay guddoonka Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Cabdi Casiis

Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea oo cirka isku shareertay. | Falanqeyn

Cabdi Casiis

Somaliya Oo Shir Gudoomisay Kulankii Ugu Horeeyay Sanadkan Ee Golaha Amaanka Qaramada Midoobay

Cabdi Casiis