boramanews.com

Dhul-gariir xooggiisu yahay 5.77 oo ku dhuftay Masar

Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar waxaa maanta ku dhuftay dhul-gariir xooggiisu gaarayo 5.77 magnitude, waxaana uu si gaar ah ugu dhuftay Magaalo xeebeedka loo dalxiis tago ee lagu magacaabo Marsa Matruux ee kulaasha Badda Mediterranean-ka.

Lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay dhul-gariirkaan balse cabsi xooggan ayaa soo wajahday Dadka ku sugan Magaaladaan oo intooda badan ah Dalxiisayaal waqti ku qaadanaya Magaaladaas sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Machadka Qaranka ee Cilmi-baarista ee Masar ayaa maanta sheegay in ay dadka ku wargeliyeen dhul-gariirkaan, waxa uu intaas ku daray in uu ka dhacay dhul gaaraya cabirkiisu 412 Kiilo-mitir inkasta oo uusan xusin khasaaraha ka dhashay.

Saacado kahor waxaa xarunta Cilmi-baarista Jarmalka war ku saabsan dhul-gariir ku dhuftay dhinaca Dalka Jasiiradda ah ee Giriigga oo lagu qiyaasay cabirkiisu 5.95 lamana sheegin khasaaraha ka dhashay iyo saamaynta uu reebay.

Related posts

Todobo Xaaladood Oo Dhici Kara Haddii Maraykanku Weeraro Iiraan

Cabdi Casiis

Mareykanka iyo Iiraan oo bixiyey sababta ay u fashilmeen wada-hadalladii nabadda

Cabdi Casiis

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Codsaday In Lala Heshiisiiyo Puntland, Jubaland, Iyo Mucaaradka Kale.

Cabdi Casiis