boramanews.com

Midowga Yurub oo ansixiyay $88 Milyan oo lagu taageerayo Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ansixiyay lacag dhan €75 milyan oo Yuuro una dhiganta $88 Milyan oo Doollar oo lagu taageerayo howlgalka Ciidanka Afrikaan ah ee jooga Soomaaliya ee loosoo gaabiyo AUSSOM sida lagu xusay war kasoo baxay EU.

Lacagtaan ayaa loo marinayaa Sanduuqa Nabadda & taageerrada ee Midowga Yurub oo Midowga Afrika gacanta usii gelin doonnaa iyada oo ugu dambayn la gaarsiinayo Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Guddiga Siyaasadda iyo Amniga ee Golaha Midowga Yurub ayaa oggolaaday lacagtaan si meesha looga saaro culays uu wajahayo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya ka socda sida hadalka loo dhigay.

Midowga Afrika ayaa horay dhowr jeer ku celceliyay in ay u baahan yihiin dhaqaale ay ku socodsiiyaan howlgalladooda Soomaaliya si joogitaanka Askartooda AUSSOM loosii xaqiijiyo maadaama taageerro dhinacyo kale uga imaan jirtay ay waayeen.

Inta badan waxaa lacagtaan loo adeegsanayaa Gunnooyinka Ciidamada howlgalka ku jira, qalabka muhiimka ah iyo adeegyada kale aan laga maarmin inta uu socdo howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya sida xogta lagu muujiyay.

Ururka Midowga Yurub ayaa la sheegay in tan iyo sanadkii 2007dii uu soo billowday howlgalka Midowga Afrika ee lagu soo aasaasay Magaca AMISOM waxaa uga baxday lacag dhan €2.8 bilyan oo Yuuro una dhiganta $3.3 Bilyan oo doollar.

Mustaqbal

Related posts

Soomaaligii uu Talyaanigu ka qafaalay Masar ee diiday in uu saxiixo xeer ku qaban lahaa maantad

Cabdi Casiis

Suudaan ayaa ku eedeysay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ka soo kacaya Itoobiya ay ku soo xadgudbeen dhulkeeda isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, iyadoo ku tilmaantay arrintaas “xadgudub cad” oo ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo sidoo kale “fal gardarro ah.” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii, 22-kii Febraayo 2018, ku sheegtay inay la socotay gelitaanka diyaarado kasoo kacay dhulka Itoobiya oo soo galay gudaha dalkeeda intii lagu jiray bisha Febraayo iyo maalmaha hore ee Janaayo. Waxay intaa ku dartay in diyaaradahaasi ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla Suudaan isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, balse ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan meelaha la weeraray ama khasaaraha ka dhashay. Dowladda Suudaan ayaa ku tilmaantay xadgudubka drone-ka ee la sheegay inuu ka yimid dhinaca Itoobiya “fal masuuliyad darro ah oo aan la aqbali karin,” waxayna ka digtay in arrintani horseedi karto cawaaqib kale. Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan oo lagu baahiyay af-Carabi ayaa sidoo kale xusay in haddii falalkan ay sii socdaan, dalka uu xaq u leeyahay inuu difaaco madaxbannaanidiisa iyo midnimada dhulkiisa, isla markaana uu awood u leeyahay inuu kaga jawaabo “siyaabo kala duwan.”

Cabdi Casiis

Awooda shacabka Somaliland iyo Sixida Khaladaadka dhaca.

Cabdi Casiis