boramanews.com

Waa Maxay Sababta Shaqo Ka Joojinta Loogu Sameeyay Taliyaha Booliiska Koofur Afrika?

Madaxweynaha Koofur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa qaaday tallaabo uu shaqada uga joojiyay Taliyaha Booliiska Dalkaas, Fannie Masemola oo dhowaan lasoo taagay Maxkamad iyada oo lagu wado in bartamaha Bisha soo socota markale maxkamad uu tagi doonno.

Waxaa lagu eedeeyay in uu si khaldan u maamulay qandaraaska Adeegga Caafimaadka Booliiska Dalkiisa oo qiimo ahaan ku kacaya $21 Milyan oo doollar una dhiganta 360 Milyan oo rand oo ah lacagta Dalkaasi una gacangeliyay Shirkad gaar ah.

Madaxweyne Ramaphosa oo wajahaya ololaha adag ee doorashada Dalkiisa iyo culayska dhinacyada kala duwan uga imaanaya ayaa qaaday tallaabadaan isaga oo ku qasbanaaday in uu shaqada ka joojiyo taliyaha Booliiska Dalkiisa.

Waxa uu Warbaahinta u caddeeyay in ay isla garteen Taliyaha in uu xilkiisa si kumeel-gaar ah u joojiyo ilaa inta ay kasoo dhammaanayso maxkamadayntiisa, waxa uu xusay in keliya tallaabadaan loo qaaday in laga hortago Musuq sida uu hadalka u dhigay.

Koofur Afrika waxa ay kamid tahay Dalalka Afrika ee dagaalka xooggan kula jira wax isdabamarinta sidaas oo ay tahay haddana waxaa ka dhaca musuq ay ku lug yeeshaan mas’uuliyiinta Dalkaasi waana tan keentay in meelo badan laga qiimeeyo.

Related posts

Kala Dambaytii Tixgalintii Iyo Nidaamyadii Caalamiga Ahaa Oo Sii Galbanaya Iyo Xiliyadoo Reer Galbeedka La Dhegaysanyay Oo Sii Dhamaanaya

Cabdi Casiis

Trump oo baahiyay fariin sir ahayd oo uu u soo diray madaxwaynaha Faransiiska

Cabdi Casiis

Madaxwayne Trump Oo Sii Kordhiyay Xayiraada Dalal Aan Dadkoodu Soo gali Karin Maraykanka

mustafeamiin@gmail.com