boramanews.com

Iran oo shaacisay meelaha ay bartilmaameedsan doonto haddii Mareykanku soo weeraro

Cali Shamkhani, oo ah la-taliye sare oo u dhow Hoggaamiyaha Sare Ayatollah Cali Khamenei, ayaa digniin u diray isagoo ku qoray barta X, in tallaabo kasta oo militari ah oo Mareykanku qaado—heer kasta ha noqotee—loo arki doono “ku dhawaaqid dagaal” isla markaana si degdeg ah looga jawaabi doono.

Shamkhani waxa uu intaa ku daray in “weerar xaddidan uu yahay khiyaali,” isagoo carrabka ku adkeeyay in jawaabta Iiraan ay noqon doonto “mid dhamaystiran oo aan hore loo arag,” isla markaana lagu beegsan doono “cidda gardarrada wadda iyo bartamaha Tel Aviv.”

Afhayeenka Ilaalada Kacaanka Iiraan, Cali Maxamed Naeini, ayaa uga digay Mareykanka xilli ay ciidammada badda ee Mareykanku u soo dhaqaaqayeen Gacanka Faaris, isagoo carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay diyaar u tahay “dhammaan xaaladaha cadowga.”

Related posts

Dowladda Mareykanka oo sheegtay sababta aysan Soomaalida u sii joogi karin Maraykanka

Cabdi Casiis

Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Somaliland Ee Ku Sugan Muqdisho Oo Warmurtiyeed Xasaasi Ah Soo Saaray

Cabdi Casiis

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay magaalada Muqdisho

mustafeamiin@gmail.com