boramanews.com

Sirta caafimmadka iyo cimri dherirka oo Mahatiir Maxamed uu ka sheekeeyay

Ra’iisul wasaarahi hore ee dalka Malaysia, Mahatiir Maxamed oo dhashay 10-kii Luulyo ee sannadkii 1925-tii, da’diisuna ay kor u dhaaftay sano jir ayaa marar badan la weydiiyay sababta keentay in uu noqdo qof aysan uga muuqanin da’da uu jiro.

Mahatiir oo horay ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka Malaysia, markalena kusoo rogaal celiyay saaxadda siyaasadda ee dalkaas oo hadda waddanka hoggaaminayo ayaa sheegay in uu nasiib u yeeshay in aysna ku dhicin cuduro keeni kara cimri degdeg, caafimmaad wanaagsanna uu ku noolaado.

Waxaa uu sanadkii 2019-kii ahaa hogaamiyaha ugu da’ada weyn ee dunida.

Mahatiir waxaa uu sheegay in mar uu ku dhacay xanuun dhanka wadnaha ah, balse uu ka badbaaday, wixii intaa ka dambeeyayna uu wax ka badelay qaab nololeedkiisa.

Waxaan halkan idiin kugu soo gudbineynaa oo aan turjunay maqaal uu ra’iisul wasaare Mahatiir Maxamed ku qoray wargeyska The NST ee ka soo baxa dalka Malaysia.

Waxwalba waxay ka bilawdaan cuntada uu qofka cuno, loona baahan yahay in qofka uu waxyar ka cuno cunta walba inta ay ka macaan tahay.

Qofka haddii aysan ku dhicin cudurada faraha ba’an ku haya dadka, waxaa uu nasiib u yeelan karaa in uu ku noolaado xaalad caafimaad leh, da’a walba oo uu yahayna uu u noolaado sida qof caadi ah.

Waxyaaba badan oo ku jira gacanta dadka bani’aadamka haddii si wanaagsan loo maareeyo waxay keeni karaan in qofka uu ku noolado caafimaad wanaagsan, xitaa haddii uu noqdo qof da’ ah, waxaana ka mid ah xakameynta qofka uu ku sameeyo noolashiisa iyo waxa marwalba oo ay jeclaato nafsadiisa.

Waxyaabaha la xakameyn karo waxaa ka mid ah:

Qaabka wax loo cuno

Waxa ugu horeeya ee laga doonayo in uu sameeyo qofka rabo in uu caafimad ku noolaado waxaa ka mid ah hab cunniinka wanaagsan.

Jirka bani’aadamka wuxuu u baahan yahay cunto badan, balse taas waxaa u baahan oo keliya qofka dhaliyarada ah xilliyada uu soo korayo oo jirkiisa uu u baahan yahay korriin.

Related posts

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay “waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga.” Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri “Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa’iideysan karo shidaalka.” Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda. Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood: 1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay. 2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah. Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir. Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency. Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

Cabdi Casiis

Maxaa Dhacaya Haddii Somaliland ku biirto Barnaamijka Abraham Accords?

Cabdi Casiis

Shiinaha oo sarkaal ku xukumay dil kadib markii lagu helay inuu qaatay laaluush dhan $325 milyan

Cabdi Casiis