boramanews.com

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Donald Trump Oo Hanjabaad Cusub U Diray Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa farriin u diray dalka Iraan.

Waxaa uu ka digay in Iran “ay saameyn ballaaran soo gaari doonto” hadii la dilo mudaaharaadayaal kale oo dheeri ah.

Hanjabaaddan cusub ee Madaxweyne Trump ayaa imaanaysa iyadoo dibad baxyo ay Iran gilgileen in ka badan muddo toddobaad ah.

Dawladda Iiran ayaa horey u shaacisay in ay bilaabi doonto bixinta lacago gunnoyin oo bil kasta la siinayo muwaadin kasta, iyada oo ujeedadu tahay in la xakameeyo dibad baxyada rabshadaha wata ee ka dhashay dhaqaalaha dalka oo liita.

Qorshaha cusub ayaa horseedi doona in dadka reer Iiraan la siiyo qiyaastii toddoba doolar bishii, si looga caawiyo kharashaadka nolosha.

Ugu yaraan lix iyo toban qof ayaa dhintay tan iyo markii ay dibad baxyadu bilowdeen.

Related posts

DEG DEG “Baadhis halagu sameeyo Wakaallada Biyaha ee Hargeysa, cid gaara ayaa ku shaqeysate”

Cabdi Casiis

Weerar dhimasho sababay oo lagu qaaday saldhig booliis oo ku yaalla Pakistan

Cabdi Casiis

Dowlada Iiraan Oo Ka Hadashay Maraakiib Shidaal Oo Gacanta Ay Ku Dhigtay

Cabdi Casiis