boramanews.com

Ururka Xisbullahi oo war ka dhan ah Mareykanka soo saaray

Naciim Qaasim, Xoghayaha Guud ee ururka Xisbullah ee Lubnaan, ayaa u sheegay taageerayaashiisa khudbad telefishin laga baahiyay iyo isu-soo-bax uu ku taageerayay Iiraan: “Haddii Mareykanka iyo Israa’iil ay dagaal ka bilaabaan Iiraan, annagu dhexdhexaad kama ahaan doonno.”

Hoggaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan ayaa yiri:“Waxaan u aragnaa hanjabaadda Mareykanka ee ka dhanka ah Iiraan mid annagana nagu wajahan, waxaana leenahay awood buuxda oo aan ku qaadno tallaabo kasta oo aan ku aragno inay ku habboon tahay ka hortaggeeda.”

Khudbadda Naciim Qaasim ayaa si toos ah looga baahiyay Telefishinka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Wuxuu intaas ku daray:“Arrinta Iiraan kama nihin dhexdhexaad, waxaana ku dhawaaqi doonnaa tallaabadeenna waqtiga ku habboon,” isaga oo ka digay in dagaal cusub oo lagula kaco Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan uu “dab qabsan doono guud ahaan gobolka.”

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray xiisado dhanka afka ah oo u dhaxeeyay saraakiisha Iran iyo dowladda Lubnaan oo ka dhashay hub ka dhigis lagu sameeyay kooxdan.

Related posts

Maraykanka oo sheegay inay duqayn ku dileen nin lala xiriirinayo inuu weeraray askartooda

Cabdi Casiis

Fahad Yaasiin Oo Soo Laabtay Isagoo Markale Raba In Uu Dhiso Dowlad Uu Milkiile Ka Yahay.

Cabdi Casiis

Turkiga oo sheegay in ay soo rideen gantaal balastig ah oo laga soo ganay Iiraan

Cabdi Casiis