boramanews.com

Trump Oo Markale Sheegay Rabitaankiisa In Greenland Lagu Daro Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale soo jeediyay in Greenland lagu daro dalkiisa, kaddib markii hoggaamiyaha Denmark ay ka dalbatay in uujoojiyo hanjabaadahaku saabsan dhulkaas.

Isagoo la hadlayay wariyayaasha, madaxweynaha Maraykanka wuxuu sheegay in “Greenland ay amni ahaan ugu baahan yihiin.”

Trump wuxuu marar badan soo hadal qaaday suurtagalnimada in dhulkan leh maamulkiisa u gaarka ah ee hoos yimaada Denmark uu noqdo qayb ka mid ah Maraykanka, isagoo ku sababeeyay muhiimaddiisa istaraatiijiyadeed ee difaaca iyo hodantinimada macdanta.

Raysalwasaaraha Greenland, Jens Frederik Nielsen, ayaa ku jawaabay isagoo lehintaas waa ku filan tahay hadda,” wuxuuna ku tilmaamay fikradda ah in Maraykanku maamulo jasiiradda mid “khayaali” ah.

Wuxuu sheegay raysalwasaaraha “ma sii jirayaan cadaadis dambe iyo in lagu fakaro taas. Khayaali dambe oo ku saabsan in la qaato jasiirada ma jireyso. Diyaar ayaan u nahay wadahadal iyo dood. Laakiin tani waa in ay ku dhacdaa marinada saxda ah iyo in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah.”

Related posts

Wax ka ogow gantaalka qaaradaha isaga gudba ee Turkiga oo guuxiisa ka dheereeya 25 jeer

Cabdi Casiis

Maamulkii milatariga ah ee Sudan oo duqeeyay dad shacab ah

Cabdi Casiis

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Donald Trump Oo Hanjabaad Cusub U Diray Iran

Cabdi Casiis