boramanews.com

Rasaas laga soo sheegayo meel u dhow madaxtooyada Venezuela

Waxaa jira warar laga soo xigtay waladda wararka ee AFP oo sheegaya, in rasaas laga maqlay agagaarka aqalka madaxtooyada Venezuela.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas laga maqlay goobta, halka ilo wareedyo ku dhow dowladda ay sheegeen, in xaaladda la xakameeyay.

Waxay ilo wareedyadu sheegeen, in diyaarado aan duuliye lahayn oo aan la aqoonsan lagu arkay iyagoo dul heehaabaya Aqalka Miraflores ee ku yaal bartamaha caasimadda Caracas, ka dib ciidamada amniga ayaa ka jawaabay iyaga oo rasaas ku furay abaaro 8-da fiidnimo ee xilliga maxalliga ah.

Wararkani waxa ay imanayaan saacado yar ka dib markii Madaxweyne Ku Xigeenka Delcy Rodriguez loo dhaaryay madaxweyne ku xiigeenka dalkaas Venezuela.

Aqalka Madaxtooyada Venezuela, oo si rasmi ah loogu yaqaan Aqalka Miraflores, waa xafiiska ugu weyn ee Madaxweynaha waxaana uu ku yaalaa magaalada Caracas ee caasimadda Venezuela.

Related posts

Markab laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo Cagri Bey ee jimcihii la soo dhaafay lagu soo shaweyay xeebta magaalada Muqdisho si uu u bilaabo mashruucii ugu horeeyay ee shidaal baaris ah oo laga sameeyo badda hoose. Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in mashruucan uu calaamad u yahay “waa cusub oo u baryay baarista batroolka Turkiga.” Dhanka kale, wasiirka batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa yiri “Maanta waa maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay =soo dhaweyneyso markabka Turkiga ee qodaya shidaalka, sidoo kale waa rajo cusub iyo tallaabo wanaagsan oo in laga faa’iideysan karo shidaalka.” Sida ay sheegtay dowladda Turkigu, ceelkaan ayaa noqonaya kan labaad ee ugu dheer dunida ceelasha shidaal ee laga qodo gudaha badda. Sababta ka dhigaysa ceelkaan mid aad u dheer ayaa lagu qeexay in ay tahay laba sababood: 1.Cufka biyaha: Qoditaanku wuxuu ka dhacaa aag ka hooseeya biyaha badda 3,495 mitir oo aad qoto dheer tahay. 2.Gunta Badda: Markii qalabka qodistu uu gaaro sagxada badda, ayaa hadana waxaa la sii qodayaa 4,000 mitir oo kale si loo gaaro shidaalka suurtagalka ah. Qodista waxaa samayn doona markabka Cagri Bey isaga oo taagan meel qiyaastii 3,500 mitir ka saraysa gunta badda. Wadarta guud ee qodista ayaa noqonaysa ilaa 7,500 mitir. Arrinkaas ayaa ka dhigaya ceelka Curad-1 kan labaad ee ugu qoto dheer xeebaha adduunka oo dhan, sida ay sheegtay wakaaladda Turkiga ee Anadolu Agency. Hawlaha qodista waxa la filayaa inay socdaan inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal bilood, taasoo ku xiran xaaladaha cimilada, gaar ahaan caqabadaha la xiriira dabaylaha gobolka.

Cabdi Casiis

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha QM oo degdeg ugu baahan lacag ay ku howlgasho 2026

Cabdi Casiis

Dhul-gariir xooggiisu yahay 5.77 oo ku dhuftay Masar

Cabdi Casiis