boramanews.com

Trump oo baahiyay fariin sir ahayd oo uu u soo diray madaxwaynaha Faransiiska

Saraakiil ka ag- dhow madaxweynaha Faransiiska ayaa xaqiijiyay in Emmanuel Macron, fariin gaar ah u diray Donald Trump, uu soo jeediyay in shirweynaha wadamada G7 lagu qabto Paris Khamiista, isla markaana Ruushka lagu casuumo.

Donald Trump wuxuu fariintan ku soo daabacay shabakaddiisa bulshada, Truth Social, taasoo uu ku sheegay in madaxweynaha Faransiiska uu soo jeediyay in Ukraine iyo Denmark lagu casuumo kulanka si looga wada hadlo khilaafaadka ku saabsan Greenland.

“Saaxiibkay, anaga gebi ahaanba waxaan kugu raacasanhay arrimaha Suuriya. Waxaan sameyn karnaa waxyaabo waaweyn oo ku saabsan Iran. Ma fahmin waxa aad ka wado Greenland.”

Iyadoo loola jeedo shir ay isugu yimaadeen madaxda caalamiga ah ee Switzerland, kaasoo madaxweynaha Mareykanka sidoo kale lagu qorsheeyay inuu ka qayb galo, Mr. Macron wuxuu qoray:

“Waxaan qabanqaabin karaa shirkii G7 ee Paris Khamiista galabtii, ka dib markii shirka Davos uu dhamaado.”

Xiriirka Donald Trump iyo Emmanuel Macron ayaa gaaray heerkii ugu hooseeyay Isniintii, markii madaxweynaha Mareykanka uu ku hanjabay inuu canshuur 200% ah ku soo rogo khamriga Faransiiska sababtoo ah Faransiisku waxaa uu diiday inuu ku biiro “hawshiisa nabadda.”

Related posts

Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubtay Markab shidaal oo ay leedahay Pakistan

Cabdi Casiis

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay meel u dhow Barcelona

Cabdi Casiis

Ciidamada Turkiga Ee Ku Sugan Somaliya Oo Dagaal Adag Shabeelaha Dhexe Kula Galay As

Cabdi Casiis