boramanews.com

Iran oo ku hanjabtay in ay dunida “dab qabadsiineyso” haddii la weeraro hoggaankeeda

Taliye sare oo ka tirsan ilaalada kacaanka Iran ayaa ku hanjabay hadii Mareykanka uu “isku dayo” in uu dilo hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga, in Iran ay dunida ka dhigeyso meel aan ammaan aheyn.

Abolfazl Shekarchi oo ah ku xigeenka madaxa dhaqanka iyo dacaayadda ee militeriga Iran iyo ilaalada kacaanka ayaa sheegay in ay difaacayaan hoggaankooda.

“Hadii gacan gardaran ay soo aado hoggaamiyaheena, waxaan dab qabadsiin doonaa addunka, mana jirto meel nabadgeleysa”

Mr. Shekarchi wuxuu sidoo kale sheegay hadii ay dhacdo in Iran la soo weeraro, “waxaan jareynaa lugahooda sidii aan sameynay dagaalkii 12-ka maalmood”.

Sabtigii oo bishu aheyd 17 Janaayo ayuu madaxweyne Donald Trump sheegay in waqtigii Ali Khamenei uu soo dhammaaday, loona baahan yahay in Iran loo dhiibo hoggaan cusub.

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezzekian, ayaa sidoo kale sheegay labo maalmood ka hor in “hadii la weeraro hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamka ay ka dhigan tahay dagaal buuxa oo lala galo Iran”.

Related posts

“Maxamuud Xaashi Maaha Hoggaamiye Fiican”Afhayeenkii Hore Ee Xisbiga Kaah Oo Is Casilay

Cabdi Casiis

Fahad Yaasiin Oo Soo Laabtay Isagoo Markale Raba In Uu Dhiso Dowlad Uu Milkiile Ka Yahay.

Cabdi Casiis

Madaxweyne xigeenka Maraykanka oo la laabtay gacmo maran iyo niyad jab

Cabdi Casiis