Borama News Network

Dawladda Soomaaliya Oo Faah-Faahisay Heshiis Dhanka Difaaca Ah Ee Ay La Saxiixatay Maraykanka

Dowladaha Maraykanka iyo Soomaaliya ayaa shalay kala saxiixday is af-garad la xiriira dhismaha shan xero ciidan oo Maraykanku u dhisayo ciidamada Danab oo ay muddo sannado ah soo tababarayeen ciidamada Maraykanku.

Xeryahan ayaa laga dhisi doonaa magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.

Haddaba si aan faahfaahin uga helno ayaa Haaruun Macruuf uu khadka telefoonka kula xiriiray La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo haatan booqasho ku jooga Washington. Ugu horrayna waxa uu ka hadlayaa ujeeddada safarkiisa ee Washington.

 

 

Related posts

Dowlada Jabuuti Oo War Ka Soo Saartay Shirkii Dalkaasi Ku Dhex Maray Madaxwaynayaasha Somaliya Iyo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

“Gudoomiye Xirsi Haka Waramo Dal-dalaadii ka Dhacdey Gurigiisa…” Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Si Adag u Difaacay Madaxweynaya Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Abdiaziz Bnnstaff