Borama News Network

Deg Deg:- Baarlamaanka Somaliya Oo Isla Maanta Ansixiyay Heshiiskii Difaaca Bada Ee Somaliya Ay La Gashay Turkiga

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow ansixiyey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha. Sida lagu yiri warkooban oo ay daabacday Wakaaladda SONNA.

Kulanka ay yeesheen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo loo diiday in ay tabiso warbaahinta madaxbannaan ayaa warka ka soo baxay SONNA lagu sheegay in kulanka ay soo xaadireen 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Shir degdeg ah oo saaka yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, uuna shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ansixiyay heshiis dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Heshiiskaan ayaa muran iyo doodo dhaliyey habka loo maray ansixintiisa, waxaa xusid mudan in asnixinta Golaha Wasiirrada iyo anixinta Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay qaadatay wax ka yar lix saac.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucallimuu uu kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta ansixiyey heshiis aysan arag Xildhibaannada, kaas oo ka hor imaanaya xeer hoosaadka labada Aqal ee BFS.

Warbaahinta madaxa bannaan ayaa weli helin nuqul ka mid ah heeshiiskaan ay maanta ansixiyeen, taas badalkeed loo diiday in ay si toos ah u tabiso, waxaana hadda la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu warbaahinta la hadlo, xilli la sheegay in uu maanta uu ka qeyb galay fadhiga wadajirka ah ee Xildhibaannada labada Aqal.

Related posts

” Qaranimada Somaliland Cid Su’aal Laga Waydiin Karaa Ma Jirto ” Wasiir Cabdinasir Buuni.

Abdiaziz Bnnstaff

Wadaad Haysta Kaniisad Itoobiya Ku Taalo Oo Ku Baaqay In Weerar Lagu Qaado Abiy Ahmed Iyo Dacwada Lagu Soo Oogay

Abdiaziz Bnnstaff

“Soomaaliyii Wali Kamay Jawaabin Su’aashii Abwaan Xasan Sheekh Muumin”Xildhibaan Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff