boramanews.com

Madaxa garsoorka Iran oo wacad ku maray ‘Ciqaab degdeg ah oo adag’ oo ka dhan ah mudaaradayaasha

Madaxa garsoorka ee Iran ayaa laba jibaaray hanjabaadaha ciqaabta ah, kuwa ku lugta leh mudaaharaadyada, isaga oo uga digay maxkamadaha inay muujiyaan dabacsanaan ku wajahan waxa uu ugu yeeray “Rabshadaha”.

Isagoo ka hadlayay kulan uu la yeeshay saraakiisha sare ee garsoorka saaka, Gholamhossein Mohseni-Ejei wuxuu ku boorriyay dacwad oogayaasha inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha sirdoonka si kiisaska loo maareeyo “sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah”.

Madaxa garsoorka ayaa mar kale ku eedeeyay mudaaharaadayaasha in ay taageerayaan Maraykanka iyo Israa’iil, kuwaas oo uu ku tilmaamay “dambiilayaasha ugu waaweyn ee falkan rabshadaha iyo argagixisada ah”.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan digniinaha ka imaanayay hay’adaha ammaanka Iran tan iyo 9-kii Janaayo, oo ay ku jirto digniin aan horay loo arag oo uu jeediyay xeer ilaaliyaha guud ee Iran Mohammad Kazem Movahedi-Azad.

Waxa uu sheegay 10kii Jannaayo in “dhammaan rabshad-wadayaasha” ay wajihi karaan dacwadda – dagaal ka dhan ah Ilaah – dembi ciqaabtiisu tahay dil, iyo mid loo adeegsaday wareegyadii hore ee mudaaharaadyada si loogu soo saaro ciqaab dil ah oo lagu xukumo qaar ka mid ah mudaharaadayaasha hubaysan.

Related posts

Qaar Ka Mid Ah Dalalka Carbeed Oo Si Wadajir u Tagaeeray Soomaaliya

Cabdi Casiis

Markab dagaal oo kale oo Mareykan ah oo gaaray xeebaha dalalka Gacanka

Cabdi Casiis

“Xukuumaddu gacan bira ha ku qabato ammaanka xuduudaha galbeedka” Xisbiga KULMIYE

Cabdi Casiis