Borama News Network

Raysal Wasaaraha Isreal Oo Diiday Xabad Joojin Ay Soo Jeediyeen Ururka Xamaas

Xafiiska Netanyahu waxa uu sheegay in xabad joojinta ay Xamaas soo jeedisay ay tahay mid aan shaqeynin.

Xamaas waxay doneysa xabad joojin joogto ah oo lagu dhameeyo dagaalka iyo in ciidamada Isreal ay ka baxaan Gaza.

Habeenkii khamiista ayey wasaaradda caafinmaadka Xamaas sheegtay in la dilay 20 qof oo gargaar sugayay. Isreal way beenisay in ay ku lug laheyd iyadoo sheegtay in kooxo hubeysan oo Falastiin ah ay rasaasta fureen.

Dadka ayaa lagu xabadeeyay meel u dhow isbitaalka Kuwaiti ee koonfurta magaalada Gaza. Waa meel loo asteeyay in la dhigo gargaarka yar ee u socda Waqooyiga Gaza

Inkastoo Israel ay diiday xabad joojinta ay Xamas dooneysa hadana Netanyahu wuxuu sheegay in Isreal u direyso Qatar wafdi kala hadla waxa Isreal ay ka dooneyso heshiis mug leh

Related posts

Koomishanka Doorashoohinka Somaliland Oo Digniin Kama Dambays Ah U Diray Xukuumada Iyo Xisbiga Kulmiye

Abdiaziz Bnnstaff

Ma Doonaysa In Caruurtaadu Bartaan Quran, Higaad, Caqiidah Iyo Culuumta Diinta Islaamka?

Abdiaziz Bnnstaff

Mukhalaskii ugu weynaa Yurub ee tahriibinta dadka oo Ciraaq lagu xidhay

Abdiaziz Bnnstaff