Borama News Network

Khilaafka Mareykanka iyo Ingiriiska ee Xaaladda Bariga Dhexe

Bariga Dhexe waxaa xilligaasi ka jirtay soo jeedintii maamulkii madaxweynii hore Mareynkanka Bush ee la doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Soo jeedinta Bush waxay iska indhatirtay kaalinta dalalka Suuriya iyo Lubnaan ee colaada bariga dhaxe,Lubnaan waxay qaadatay mowqifka Suuriya oo ah in waxa kaliya ee loo baahan yahay tahay in Israa’iil u hoggaansanto go’aannada Qaramada Midoobay ee ku saabsan colaadda ballaaran ee Bariga Dhexe.

Safiirka Ingiriiska ee Lubnaan ayaa qaba in ay muhiim ahayd in “booqashada Xariiri ee bBoqortooyda Ingiriiks ay ahayd mid u gogol xaari kartay in Lubnaan laga soo gooyo Suuriya oo ay isku mowqif ahaayeen”

Waxaa uu tilmaamay in go’aannadii la gaaray ay ka mid ahyeen “in ciidamada Lubnaan la geeyo deegaannada koonfurta, sida ku cad go’aamadii isdaba joogga ahaa ee Qaramada Midoobay, iyo in Xisbullaah hub ka dhigis lagu sameeyo oo ay ka baxeen xadka Israa’iil iyo Lubnaan”

Qaxootiga Falastiiniyiinta ee kusoo qaxay Lubnaan ay dib ugu noqdaan guryahoodii Falastiin,arrintaan ayaa loo arkay in ay ahayd mid Lubnaan ay dhibato weyn ay ku qabtay.

Dukumentiyada ayaa muujinaya kala duwanaanshaha u dhexeeya UK iyo Mareykanka ee ku saabsan nooca joogitaanka Suuriya ee Lubnaan.

Related posts

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii la socday lagu dilay, ugu yaraan afar kalena lagu dhaawacay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaadeen markab ganacsi meel ku dhow Yemen. “Abaarihii 11:30 subaxnimo (waqtiga Sanca) ee 6-dii Maarso, ayaa gantaal nooca ballistic-ga ah (ASBM) laga soo riday aagagga ay argagixisada Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan ee Iran ay taageerto, kaasoo lagu weeraray markabka M/V True Confidence, oo uu ka babanaayo calanka Barbados, Laybeeriya. isagoo u sii gudbaya Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu warka lagu sheegay warka Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka “Gantaalka ayaa ku dhacay markabka, shaqaalaha caalamiga ah waxay soo sheegeen saddex dhimasho ah, ugu yaraan afar dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, iyo burbur weyn oo soo gaaray markabka.” Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in kani uu yahay gantaalkii shanaad ee ka hortagga maraakiibta ballistic-ga ee Xuutiyiinta ay rideen labadii maalmood ee u dambeeyay.

Abdiaziz Bnnstaff

Dallaaliinta hubka ee Yemen oo qoryaha ku iibinaya barta X

Abdiaziz Bnnstaff

Doorasho inay Dhacdaa waa Qasab..” Suldaan Xasan

mustafeamiin