boramanews.com

Maraykanka oo sheegay inay duqayn ku dileen nin lala xiriirinayo inuu weeraray askartooda

Ciidamada Mareykanka ayaa fuliyay weerar lagu dilay hoggaamiye ka tirsan al-Qaacidda oo ‘xiriir toos ah’ la lahaa xubin ka tirsan kooxda Daacish (IS) oo mas’uul ka ahaa weerar gaadmo ah oo lagu dilay saddex Mareykan ah gudaha Suuriya, sida ay sheegeen mas’uuliyiin.

Taliska Dhexe ee Mareykanka, ayaa bayaan ku sheegay in Bilal Hasan al-Jasim lagu dilay weerarka Jimcihii ka dhacay waqooyi-galbeed Suuriya.

Bayaanka ayaa sidoo kale sheegay in uu ‘si toos ah ugu xirnaa’ ninka hubeysnaa ee ka tirsanaa Daacish kaas oo dilay isla markaana dhaawacay askar Mareykan ah iyo shaqaale Suuriyaan ah.

BBC-da si madax-bannaan uma aysan xaqiijin sheegashooyinka Mareykanka.

“Dilka hawl-wadeen argagixiso ah oo lala xiriiriyay dilka saddex Mareykan ah wuxuu muujinayaa go’aankeenna adag ee ah in aan daba galno argagixisada weerarta ciidamadeenna,” ayuu yiri taliyaha Centcom, Admiral Brad Cooper.

Related posts

Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo Si Adag U Beenisay In Dadka Reer Falastiin Loo Soo Rarayo Deegaanada Somaliland

Cabdi Casiis

Mareykanka Iyo Iiraan Oo Ku Fashilmay Inay Heshiis Gaadhaan Ka Dib Wadahadallo Nabadeed Oo Taariikhi Ah Oo Ka Dhacay Pakistan

Cabdi Casiis

Xiisad Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Dalalka Pakistan Iyo Afghanistan Iyo Talilan Oo Digniin Dirtay

Cabdi Casiis