Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Shirka Madaxda Somalida Uga Socda Muqdisho Oo Maalintii Sadexaad Galay

Xarunta Villa Soomaaliya ayaa waxaa maalintii sedexaad ka socda Shirka Wadatashiga ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa looga hadlayaa hanaanka doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaandka sanadkaan 2020/2021, isla markaana waxaa uu shirkaas saldhig u yahay heshiiskii Dhuusamareeb-3.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dooduhu ay adag yihiin, maadaama siweyn Madaxda uga hadlayaan qodobada shirkii Dhuusamareeb3 oo ay ka maqnaayeen Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Madaxda ayaa la filayaa in marka ay isfahmaan khudbad jeediyaan, islamarkaana warsaxaafadeed ay ka soo saaraan shirkooda.

Waxaa suurtagal ah in saacadaha soo socda ay heshiis rasmi ah ka gaari doonaan madaxda nooca doorasho ee dalka ka dhici doonto marka laga gaaro sanadka 2020-2021-ka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qoyska Gabadhii Muqdisho Lagu Kufsaday Ka Dibna Dabaqa Laga Soo Tuuray Cadaalada Daro Tirsanaya

Bnnstaff Bnnstaff

Taageerayaasha Kulmiye Ee Jarmalka 🇩🇪 Oo Ka Hadlay Khilaafka Xisbiga

Mustafehaji

Qarax Xoogan Oo Burburiyay Bakhaarkii Hubka Ee Ururka Xisbulaah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More