Borama News Network

Aqalka Cad ee Maraykanka oo sheegay in uu is hor istaagay weerarkii Israaiil ay la damacsanayd Rafax

Aqalka Cad ee Dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqay in uu hakiyay qorshaha duullaanka Israaiil ay la damacsanayd Magaalada Rafax ee Farastiin kaddib markii Washington ay ku adkaatay in ay dhinac iska dhigto qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Saraakiil ka socota Yuhuudda oo kulan wadatashi ah looga yeeray Aqalka Cad ayaa dhegaha loogu dhibciyay in aanay Washington suuragal ka dhigi Karin damaca Ra’iisul Wasaaraha Israaiil Benjamin Netanyahu ee la xiriira in uu duullaan ku qaado Rafax.

Maraykanka oo dhaqaalihiisa iyo hubkiisa ugu badan u gacangeliyay Israaiil kuna fashilmeen hadafkoodii ahaa soo furashada Maxaabiista gacanta Xamaas ku jira tan iyo 7dii Oktoobar 2023 ayaa markaan dejiyay qorshe cusub.

Warbaahinta qaar oo warbixinno kala duwan ka qortay arrintaan ayaa sheegtay in marka la eego go’aankaan uu noqon karo mid jawaab u ah diidmadii Ra’iisul Wasaaraha Yuhuudda wafdigii Tel Aviv ee Aqalka Cad wada-tashiga u tagi rabtay.

Maraykanka iyo Israaiil ayaa madaxa isla galay kaddib markii Xukuumadda Netanyahu ay ka waysay go’aanka diidmada qayaxan ee Washington ku hor istaagi kartay xabbad-joojinta uu meelmariyay Golaha Ammaanka Todobaadkaan.

Related posts

Somaliya Oo Itoobiya Kaga Guulaysatay Galaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Iyo Shir Deg Deg Ah Oo Dhacaya

Abdiaziz Bnnstaff

” Heshiisku Haduu Somaliland Dan u Yahay Dadka Ugu Horeeya Ee Taageerayaa Waa Annaga” Afayeenka Urur Siyaasadeedka Kaah

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Kenya Oo Dib Uga Fiirsanaysa Heshiis Ay Hore Ula Gashay Dowlada Itoobiya Iyo Waxa Uu Ku Saabsanaa Heshiiskaasi

Abdiaziz Bnnstaff