Borama News Network

Yurub Oo Looga Digay “Dagaal Aysan Weli u Diyaar Garoobin” Lama Huraanse Ah

Ra’iisul wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa uga digay Yurub in ay ku jirto “xilli dagaal” Ukrainena ay tahay in uusan Ruushku ka adkaan danta guud ee qaaradda oo dhan awgeed.

Waxa uu sheegay in dagaalku uusan ahayn “fikrad hore”, isaga oo intaa ku daray: “Waa xaqiiq oo waxa uu bilaabmay laba sano ka hor.”

Hadalkiisa ayaa yimid ka dib markii Ruushku uu weerar ballaaran ku qaaday nidaamka tamarta ee Ukraine Khamiistii.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay todobaadkan in Moscow aysan “wax damac ah ka lahayn” dalalka Nato.

Fikradda ah in dalkiisa, oo haysta mid ka mid ah hubka nukliyeerka ee ugu weyn adduunka, uu weeraro Poland, dalalka Baltic iyo Czech Republic – kuwaas oo dhammaan xubna ka ah xulafada Nato si ka duwan Ukraine – waxay ahayd “wax aan macno lahayn”, ayuu yidhi.

Hase yeeshee, waxa uu ka digay in haddii Ukraine ay u adeegsato diyaaradaha F-16 ee reer galbeedka ee garoommada hawada ee dalalka kale, waxay noqon doonaan “bartilmaameed sharci ah, meel kasta oo ay ku yaalaan”.

Ka dib markii uu Ruushku bilaabay dagaal buuxa oo uu ku qaaday Ukraine bishii Febraayo 2022, xidhiidhka reer galbeedka ayaa gaadhay heerkii ugu hooseeyay tan iyo maalmihii ugu xumaa ee dagaalkii qaboobaa.

Ku dhawaad 100 gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa loo adeegsaday weerarkii ugu dambeeyay ee Ruushka uu ku qaaday Ukraine, taasoo keentay in gobollo dhowr ah ay korontadu ka go’do.

Waxa uu ahaa weerarkii labaad ee noociisa ah – kaas oo Ruushku uu isku mar ku rido hub aad u tiro badan si uu uga awood roonaado difaaca Ukraine – muddo toddobaad gudihiis ah.

Related posts

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Madaxtooyada Ku Qaabilay Ciidamo Ka Tirsan Kumaandooska Danab Oo Dhoolatus Kaga Soo Qayb Qaatay Dalka Dibadiisa.

Abdiaziz Bnnstaff

Maxamuud Xaashi Waxa Saxada Ugu Dambaysay Markii Uu Sheegay Inuu Hawada Wareejiyey..Siyaasi Jiir

Abdiaziz Bnnstaff

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliya Oo Odayaasha Somaliland ku Booriyay Inay Doorkooda ka Qaataan Difaaca Badda Somaliyeed

Abdiaziz Bnnstaff