Xiriirka Kubbadda Cagta Afrika (CAF) ayaa shaaciyay ciqaabaha uu ku riday Morocco iyo Senegal kaddib rabshadihii ka dhacay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Qaramada Afrika 2026 (AFCON).
Taageerayaal badan oo kubbadda cagta ah ayaa si weyn u sugayay go’aannada ay qaadan doonto CAF, iyadoo dhinac walba uu aaminsanaa in kan kale uu khaladka lahaa isla markaana u qalmo ciqaab ka culus.
CAF ayaa mamnuucday tababaraha Senegal, Pape Thiaw, shan kulan, isla markaana ku ganaaxday $100,000, kaddib markii lagu helay anshax-xumo, maadaama uu amar ku bixiyay in ciyaartoydiisu ka baxaan garoonka intii lagu jiray final-kii Nations Cup ee ay la ciyaarayeen Morocco.
Sidoo kale, CAF ayaa Xiriirka Kubbadda Cagta Senegal ku ganaaxday $615,000 sababo la xiriira dhaqanka kooxda iyo taageerayaasheeda, halka ciyaartoyda Iliman Ndiaye iyo Ismaila Sarr laga reebay laba kulan oo CAF ah, kaddib markii lagu helay ixtiraam-darro ay u muujiyeen garsooraha.
Si kastaba ha ahaatee, codsigii Morocco ee ahaa in la baabi’iyo natiijada ciyaarta—kaas oo ku salaysnaa in ciyaartoyda Senegal ay garoonka ka baxeen taasoo keentay dib u dhac 14 daqiiqo ah—ayaa la diiday kadib go’aan ka soo baxay Guddiga Anshaxa ee CAF.
Dalka martida loo ahaa ee Morocco ayaa isna lagu ganaaxay $315,000 guud ahaan, taasoo la xiriirtay dhaqanka carruurta kubbad-qaadayaasha, hab-dhaqanka ciyaartoyda iyo shaqaalaha ee aagga VAR, iyo sidoo kale isticmaalka iftiinnada leysarka ee taageerayaasha.
Kabtanka Morocco Achraf Hakimi (laba kulan oo CAF ah, mid ka mid ahna hal sano ayaa laga joojiyay) iyo Ismael Saibari (saddex kulan oo CAF ah) ayaa llag ahoristagay, kaddib markii lagu helay anshax-xumo ay sameeyeen markii ay isku dayeen in ay ka qaadaan shukumaan goolhayaha Senegal Edouard Mendy .
Tababaraha Senegal, Thiaw, ayaa amar ku bixiyay in ciyaartoydiisu ay garoonka ka baxaan dhammaadka ciyaarta kaddib markii gool ay dhaliyeen la diiday, wax yar kaddibna Morocco ayaa loo dhigay rigooro, taas oo Brahim Diaz ugu dambayn qasaariyay.
