Pakistan ayaa ka qayb gali doonta wada-hadallada u dhexeeya Iiraan iyo Maraykanka. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa BBC Urdu u xaqiijiyay in uu helay casuumaad loogu talagalay wada-hadallada.
Inkastoo aan weli la go’aamin cida ka qayb geli doonta dhinaca Pakistan, xubin ka tirsan kooxda Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa BBC Urdu u sheegay in Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ishaq Dar ay u badantahay inuu ka qayb galo.
Dhinaca kale, mas’uul Carbeed ayaa AFP u sheegay in kulanka loo maleynayo inuu ka dhaco Turkiga Jimcaha. Mas’uul kale oo Reuters la hadlay ayaa sheegay in mudnaanta wada-hadallada ay tahay in la joojiyo khilaaf kasta isla markaana la yareeyo xiisadda u dhaxaysa labada dhinac.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in dhowr awoodaha gobolka ah lagu casuumay wada-hadallada. Sida uu mas’uulkaasi sheegay, dhowr dal oo ay ka mid yihiin Pakistan, Sacuudi Carabiya, Qatar, Masar, Cumaan, iyo Imaaraatka Carabta ayaa lagu casuumay weliba heer wasiirarrada arrimaha dibadda.
