boramanews.com

Mareykanka oo ciidamada Soomaaliya hub iyo agab kale ugu deeqay

Ciidamada Mareykanka ayaa maanta gaarsiiyay qalab militari iyo hub noocyo kala duwan ah, oo ay ku jiraan hub culus, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Tallaabadan qalabka lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muujinaysa taageerada dowladda Mareykanku ay u fidiso Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal ee ammaanka, kaasoo lagu xoojinayo dadaallada “lagu ciribtirayo kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee khatarta ku ahbaa la yiri xasilloonida gobolka”.

War-qoraal ah oo wasaaradda difaacu baahisay ayaa lagu yiri: “Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijiyeen in xubnaha argagixisadu aysan meel ku lahayn inay ka dhuuntaan gaarista Ciidanka Qaranka iyo saaxibbadooda Caalamiga ah. Waxaan sii wadi doonnaa ka hortagga iyo baabi’inta haraaga argagixisada, howlgalada ka dhanka ah argagixisaduna waxay socon doonaan ilaa nabad iyo xasillooni waarta laga xaqiijiyo guud ahaan dalka.”

Related posts

Muxuu yahay sirdoonka Dhaawacay Awooda imaaraadka Carabta.?

Cabdi Casiis

Shiinaha Oo In Ka Badan 10 Xubnood Oo Hal Qoys Ahaa Dil Ku Fuliyay

Cabdi Casiis

Xiisadda Itoobiya iyo Eritrea oo cirka isku shareertay. | Falanqeyn

Cabdi Casiis