boramanews.com

Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri diyaaradda F-16 ee Timid Muqdisho?

Muuqaalka diyaaradda F-16 oo ka duulaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib dul heehaabaysa magaalada Muqdisho ayaa dhawaan ku baahay baraha bulshada.

Dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin joogista diyaaradahaan gudaha Soomaaliya, ka hor shalay, xilligaas oo wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya uu xusay joogistooda Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo kii hore, ayuu wasiirka gaashaandhigu sheegay in diyaarada nuuceedu yaahy F-16 “loo keenay ciidamada Soomaaliya”.

“Shalay markii ay diyaaradaha Turkigu kaceen, F-16 ka ah ee ciidanka xoogga dalka loo keenay, ayaa murti igu soo dagtay,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi, isaga oo intaa kadib tiryay tix kooban oo iyana caan ka noqotay baraha bulshada.

Sida uu sheegay wasiirku diyaaradahaan ayaa waxaa iska leh dowladda Turkiga, oo sida uu sheegay uga faa’iideynaysa dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah.

Turkiga ayaa Soomaaliya haatan si wayn uga taageera dhanka amniga, iyaga oo tabara ciidamada qaar, saanad milatari ku gargaara.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in Turkiga uu Soomaaliya keenay diyaarado ay ka mid yihiin T129 ATAK, oo ah diyaarad si qumaati ah u kacda taa oo si wayn uga qayb qaadata dagaalada.

Sidoo kale warar kale ayaa iyana tibaaxa in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Akinci ay ku howlgalaan ciidamada dowladda Soomaaliya. Balse waxaan la hubin ciidamada Soomaalidu ay leeyihiin amarka hawlgallada diyaaradaan iyo in kale.

Related posts

Itoobiya ayaa bilowday in ay midayso dadkeeda si ay uga hortagto Masar iyo Erateeriya

Cabdi Casiis

Fahad Yaasiin Oo Soo Laabtay Isagoo Markale Raba In Uu Dhiso Dowlad Uu Milkiile Ka Yahay.

Cabdi Casiis

Maalqabeenka Elon Musk Iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar Oo Hadalo Kulul is-Waydaarsaday

Cabdi Casiis