boramanews.com

Halka uu hubka nukliyeerku ugu qarsan yahay dalka kaliya ee islaam ah ee haysta hubkan -warbixin hore

Pakistan waxay hadda haysataa wadarta 170 madaxyada hubka nukliyeerka ah, kuwaas oo lagu hayo saldhigyo milatari oo gaar ah, sida ay qabaan saynisyahannada ugu sarreeya Maraykanka ee nukliyeerka.

Hadii Pakistan ay horumarinta kaydkeeda hubka Nukliyeerka sidan kusii waddo, tirada hubka Nukliyeerka waxay gaarsiin kartaa 200 oo xabbo laga bilaabo 2025.

Macluumaad ku saabsan halka ay yaaliin gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dheer ee qaada madaxyada nukliyeerka ayaa lagu sheegay jaraa’idka ‘Bulletin of the Atomic Scientists’ oo la daabacay Sebtembar 11-keedii.

Gantaalada xambaari kara Nukliyeerka iyo qalabkooda lagu daabulo ayaa lagu ssameeyaa Xarunta Difaaca Qaranka ee ku taal Buurta Kala Chitta Dahar ee galbeedka Islamabad.

Sawirrada dayax-gacmeedku waxay muujinayaan in xaruntani ka kooban tahay laba qaybood. Gantaallo iyo matoorada gantaallada ayaa lagu sameeyay, laguna tijaabiyaa Galbeedka Islamabad.

Waxaa dhanka waqooyi bari ee Fateh Jang laga helay cadaymo ku saabsan waddo ay maraan gaadiidleyda Erector Launchers (TELs) oo daabula hubka nukliyeerka.

Sawirka oo la qaaday bishii Juun ee sannadka 2023, waxa kale oo uu muujinayaa shaagagga gawaadhida (Erector Launchers) ee Nasr, gantaalaha balaastigga ee Shaheen-1A iyo gantaalka joogga hoose ku duula ee Babur.

Related posts

Dad rayid ah oo galbeedka Mudug lagu dilay.

Cabdi Casiis

Mali Iyo Burkina Faso Ayaa Ka Mamnuucay In Dalalkooda Yimaadaan Muwaadiniinta Mareykanka.

Cabdi Casiis

Turkiga oo baaraya ciddii ka dambeysay weerar askar looga dilay

Cabdi Casiis