boramanews.com

Ku dhowaad 10 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday iskuul ku yaala Canada halka 25 kale ay ku dhaawacmeen

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday iskuul ku yaala gobolka British Columbiaee dalka Canada, sida ay sheegeen booliiska.

Lix qof ayaa meydkooda laga helay gudaha dugsiga Sare ee Tumbler Ridge, halka midkii toddobaadna uu dhintay intii loo sii waday isbitaalka.

Qof la rumeysan yahay inuu ahaa qofka toogashada geystay ayaa sidoo kale la helay isagoo meyd ah, iyadoo ay u muuqato inuu is dhaawacay, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Laba qof oo kale ayaa meydadkooda laga helay goob gaar ah, taasoo booliisku ay aaminsan yihiin inay la xiriirto dhacdadan.

Weerarka awgii, waxaa haatan la xiray iskuullada inta ka hartay dhamaadka todobaadka

Related posts

Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka shiray aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Cabdi Casiis

“Jammhuuriyadda Somaliland dawladnimadeeda iyadaa dib ula soo noqotay…” Wasiirka Hawlaha guud Somaliland

Cabdi Casiis

Saraakiisha Ciidamada Federaalka oo kulan ka yeeshay Adkaynta Amniga Baydhabo

Cabdi Casiis