boramanews.com

Maxaa ka jira in Imaaraadku Itoobiya ka dhisay xero lagu tababaro fallaagada Suudaan ee RSF

Warbixin baaritaan ah oo wakaaladda wararka Reuters ay daabacday ayaa shaaca ka qaadday in xero tababar oo ay leeyihiin Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF) laga dhisay deegaanka Benishangul-Gumuz ee waqooyi Galbeed ee dalka Itoobiya.

Warbixintan ayaa soo baxday xilli la sheegayo in dalal deris la ah Suudaan iyo kuwo Bariga Dhexe ay si isa soo taraysa ugu lug leeyihiin colaadda aloosan Suudaan.

Wakaaladda Reuters waxay sheegtay in dhismaha xeradan tababar uu muujinayo in Itoobiyaanku ku lug leeyihiin dagaalka Suudaan. Waxayna intaas ku dartay in taageeridda RSF xilli dagaalku si gaar ah ugu sii xoogeysanayo koonfurta Suudaan ay sii xumaynayso khatarta iyo waxyeellada colaadda daba-dheeraatay.
Sida warbixinta lagu sheegay, saddex ilo wareed oo ay ku jiraan mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa tilmaamay in dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) uu taageeray dhismaha xeradan milatari, islamarkaana uu bixiyay tababar iyo taageero dhanka saadka ah

Related posts

Xukunka dilka ah ee Iiraan oo lagu qiyaasay inuu labalaabmay sanadka 2025

Cabdi Casiis

Iiraan: “Annaga ayaa go’aamin doonna dhammaadka dagaalka.”

Cabdi Casiis

Shacabka Reer Galkacyo Oo Si Adag Uga Hadlay Caydhinta Imaradka Iyo Go’aankii Puntland Ay Ka Qaadatay

Cabdi Casiis