boramanews.com

Maxaa ka jira in Imaaraadku Itoobiya ka dhisay xero lagu tababaro fallaagada Suudaan ee RSF

Warbixin baaritaan ah oo wakaaladda wararka Reuters ay daabacday ayaa shaaca ka qaadday in xero tababar oo ay leeyihiin Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Suudaan (RSF) laga dhisay deegaanka Benishangul-Gumuz ee waqooyi Galbeed ee dalka Itoobiya.

Warbixintan ayaa soo baxday xilli la sheegayo in dalal deris la ah Suudaan iyo kuwo Bariga Dhexe ay si isa soo taraysa ugu lug leeyihiin colaadda aloosan Suudaan.

Wakaaladda Reuters waxay sheegtay in dhismaha xeradan tababar uu muujinayo in Itoobiyaanku ku lug leeyihiin dagaalka Suudaan. Waxayna intaas ku dartay in taageeridda RSF xilli dagaalku si gaar ah ugu sii xoogeysanayo koonfurta Suudaan ay sii xumaynayso khatarta iyo waxyeellada colaadda daba-dheeraatay.
Sida warbixinta lagu sheegay, saddex ilo wareed oo ay ku jiraan mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa tilmaamay in dalka Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) uu taageeray dhismaha xeradan milatari, islamarkaana uu bixiyay tababar iyo taageero dhanka saadka ah

Related posts

Ku dhowaad 10 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday iskuul ku yaala Canada halka 25 kale ay ku dhaawacmeen

Cabdi Casiis

Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Codsaday In Lala Heshiisiiyo Puntland, Jubaland, Iyo Mucaaradka Kale.

Cabdi Casiis

Faahfaahin ka soo baxaysa tahriibayaal ku dhintay badda Giriigga iyo dalalka ay ka yimaaden

Cabdi Casiis