boramanews.com

Ku dhowaad 10 qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday iskuul ku yaala Canada halka 25 kale ay ku dhaawacmeen

Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday iskuul ku yaala gobolka British Columbiaee dalka Canada, sida ay sheegeen booliiska.

Lix qof ayaa meydkooda laga helay gudaha dugsiga Sare ee Tumbler Ridge, halka midkii toddobaadna uu dhintay intii loo sii waday isbitaalka.

Qof la rumeysan yahay inuu ahaa qofka toogashada geystay ayaa sidoo kale la helay isagoo meyd ah, iyadoo ay u muuqato inuu is dhaawacay, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaas.

Laba qof oo kale ayaa meydadkooda laga helay goob gaar ah, taasoo booliisku ay aaminsan yihiin inay la xiriirto dhacdadan.

Weerarka awgii, waxaa haatan la xiray iskuullada inta ka hartay dhamaadka todobaadka

Related posts

Trump oo weeraray Soomaalida iyo Ilhan Cumar oo ku qaylisay intuu hadlayay

Cabdi Casiis

Daawo Qisada Hooyo Muddo 22 Sano Raadinaysa Wiilkeeda

Cabdi Casiis

Milatariga Iiraan ayaa uga digay Mareykanka: “Weerarrada milatariga Iiraan waxay noqon doonaan kuwo aad uga xooggan sidii hore.”

Cabdi Casiis