boramanews.com

Madaxweyne afar bilood un talinayay oo xilka laga tuuray

Kongareeska dalka Peru ayaa u codeeyay in xilka laga qaado madaxweynaha ku meel gaarka ah ee José Jerí oo xilka hayay afar bilood, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu shaaca ka qaado kulamo uu la yeeshay ganacsato Shiinees ah.

Koongaraska dalkaas ayaa tallaabadan qaaday ka dib markii uu José Jerí sidoo kale lagu eedeeyay inuu dhowr haween ah u magacaabay dawladdiisa maalmo gudahood ka dib markii uu habeenkii kula kulmay qasriga madaxtooyada.

Fadeexadan ayaa soo ifbaxday bishii hore ka dib markii la arkay muuqaallo muujinaya Jerí oo dhowr jeer la kulmay ganacsade Zhihua Yang, oo dowladda ay baaritaan ku haysay.

Jerí ayaa hore raaligelin uga bixiyay kulamada, laakiin wuu beeniyay inuu wax qalad ah sameeyay, wuxuuna ku eedeeyay kuwa la tartamaya inay sameeyeen olole sumcad dil ah.

Xil ka qaadistiisa ayaa ka dhigaysa madaxweynihii saddexaad ee si xirriir ah xilka loga qaado, ka dib markii uu beddelay hoggaamiyihii hore, Dina Boluarte, oo xilka laga qaaday bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Jerí wuxuu ahaa madaxweynihii toddobaad ee Peru. Kongareeska Peru ayaana Arbacada u codeyn doona madaxweynaha ku meel gaarka ah ee xiga.

Sharciga Peru wuxuu farayaa madaxweynayaasha inay diiwaan galiyaan dhammaan hawlahooda rasmiga ah, laakiin hoggaamiyihii hore ee hadda ma uusan duubin shirarkaas uu la yeeshay ganacsatada Shiineeska ah, taas oo horseeday in xilka laga tuuro.

Related posts

Suudaan ayaa ku eedeysay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ka soo kacaya Itoobiya ay ku soo xadgudbeen dhulkeeda isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, iyadoo ku tilmaantay arrintaas “xadgudub cad” oo ka dhan ah madaxbannaanideeda iyo sidoo kale “fal gardarro ah.” Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan ayaa bayaan ay soo saartay Isniintii, 22-kii Febraayo 2018, ku sheegtay inay la socotay gelitaanka diyaarado kasoo kacay dhulka Itoobiya oo soo galay gudaha dalkeeda intii lagu jiray bisha Febraayo iyo maalmaha hore ee Janaayo. Waxay intaa ku dartay in diyaaradahaasi ay bartilmaameedsadeen goobo ku yaalla Suudaan isla markaana ay ka fuliyeen weerarro, balse ma aysan bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan meelaha la weeraray ama khasaaraha ka dhashay. Dowladda Suudaan ayaa ku tilmaantay xadgudubka drone-ka ee la sheegay inuu ka yimid dhinaca Itoobiya “fal masuuliyad darro ah oo aan la aqbali karin,” waxayna ka digtay in arrintani horseedi karto cawaaqib kale. Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Suudaan oo lagu baahiyay af-Carabi ayaa sidoo kale xusay in haddii falalkan ay sii socdaan, dalka uu xaq u leeyahay inuu difaaco madaxbannaanidiisa iyo midnimada dhulkiisa, isla markaana uu awood u leeyahay inuu kaga jawaabo “siyaabo kala duwan.”

Cabdi Casiis

” Ninkii Aan Reer Somaliland Ahayni Hayskaga Baxo Boorama” Baaq Adag Oo Laga Soo Saaray Boorama

Cabdi Casiis

Hoos u dhac soo wajahay saamiyada suuqyada Maraykanka iyo doolarka oo daciifay

Cabdi Casiis